CIA-da Mareykanka oo Sarkaal looga dilay Soomaaliya

Waxa uu noqonayaa askarigii 3aad oo Mareykanka looga dilo Soomaaliya tan iyo 2018, iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo aan la sheegin.

Warar Keydmedia Online
CIA-da Mareykanka oo Sarkaal looga dilay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan CIA-da ayaa lagu dilay Soomaaliya dhammaadkii Isbuucii lasoo dhaafay. Sarkaalka ayaa lagu dhaawacay howlgal ka dhacay Koonfurta dalka kaasoo markii dambe u dhintay, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Sarkaalkaan oo magaciisa la shaacin, ayaa katirsanaan jiray Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Navy SEAL. Dilkiisa ayaa imaanaya xilli Maamulka madaxweyne Trump uu wado qorshayaal uu mustaqbalka dhow Soomaaliya uga saarayo in ka badan 600 oo askari.

Waxa uu noqonayaa askarigii 3aad oo Mareykanka looga dilo Soomaaliya tan iyo 2018, iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo aan la sheegin.

Ciidamada Mareykanka waxay la howlgalaan kuwa Soomaaliyeed, iyagoo ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxay siiyaan la talin weerarada dhulka, tababarida DANAB iyo inay fuliyaan duqeymaha cirka.

In kasta oo taliyeyaasha militariga Mareykanka ee Soomaaliya ay sida caadiga ah rabaan in ay u oggolaadaan Ciidamada Soomaaliya in ay hoggaamiyaan howlgallada, haddana waxaa jira caqabado dhowr ah, oo ay kamid tahay in awoodda Al-Shabaab oo la wiiqo u baahan tahay isbahaysi.

Al-Shabaab waxaa lagu qiyaasaa inay haysato inta u dhaxeysa 5,000 ilaa 10,000 dagaalyahan, sida lagu sheegay qiyaasaha ka soo baxay Taliska Afrika iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca.

Militariga Mareykanka ayaa jooga Soomaaliya tan iyo 2013, waxaana howlgalkooda si weyn u xoogeystay markii maamulka Trump yimid Aqalka Cad, oo amar ku bixyay in la ballaariyo howlgallka duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.