Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo Markab lagu daadgureynayo

Markabka Dagaalka ee USS Makin Island ayaa Isniintii soo gaarey xeebta Soomaaliya, si uu uga soo qaado 700 oo askari oo Mareykanka ah iyo agabkooda.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo Markab lagu daadgureynayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Isniintii lasoo dhaafay waxaa Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho soo gaarey Markabka dagaalka Mareykanka ee diyaaradaha xambaara ee USS Makin Island ARG/15th MEU si uu usoo daadgureeyo Askarta Ameerikaanka ah ee ku sugan dalka.

Markabka ayaa 700 oo askari iyo agabkooda Ciidan kasoo qaadaya Soomaaliya, kadib markii bishii lasoo dhaafay Trump uu bixiyay amar lagu dhimayo Ciidanka u dhashay dalkiisa ee ku sugan dalal dhowr ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa ka gaabsadey inuu bixiyay macluumaad ku saabsan goobaha ay ku kala sugan yihiin Ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya iyo halka loo wareejinayo.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Ciidanka Mareykanka ee laga saarayo dalka la geynayo Jabuuti oo saldhigga ugu weyn Geeska Afrika ku leeyihiin ama xerada Camp Simba oo ku taalla gobolka Xeebta ee Lamu, dalka Kenya.

AFRICOM waxay sheegtay inaysan joojin doonin howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab, oo ay Ciidanka meel kasta oo ay joogaan kasoo qaadi doonaan weerarada dhaka cirka ah ee dalka Soomaaliya.

Ciidanka Mareykanka ayaa waxay saldhigyo ku leeyihiin Muqdisho, Beleddoogle, Shabeellaha Hoose iyo Baar Sanguuni oo ku yaalla duleedka Kismaayo, waxayna halkaasi ka qaadi jireen howgallada gaarka ah.

Bixitaanka Ciidanka Mareykanka ayaa abuuray walaac cusub oo dhanka amniga Soomaaliya, iyadoo suurta-gal tahay inay Al-Shabaab dib ula wareegto goobihii horey looga saarey, maadaama Kooxda waxa kaliya ka biqi jirtay ay ahaayeen duqeymaha drones-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqey dowladda Mareykanka inaysan Ciidanka la bixin, oo ay sii wado taageeradii ay siin jirtay ee dhanka la dagaalanka Al-Shabaab, laakiin warkiisa Trump dheg-jalaq uma siinin.

Ciidanka DANAB oo Mareykanka gacanta ku hayay ayaa hadda soo wajahay hubanti la'aan, iyadoo laga yaabo inay burburaan, maadaama dowladdii tababar, mushaar iyo agab siin jirtay askarteeda dalka kala baxayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.