Askarta Mareykanka oo bilaabey inay ka baxaan Soomaaliya

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Trump uu amar ku bixiyay in Ciidanka Mareykanka laga soo qaado Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Askarta Mareykanka oo bilaabey inay ka baxaan Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa billaabey inay ka baxaan dalka Soomaaliya, iyadoo dagaalka Al-Shabaab lagula jiro aan wali lasoo afjarin oo khatarta Kooxda ay sii xoogeysanayso.

Markab kuwa dagaalka ayaa yimid xeebaha Soomaaliya oo Ciidamada Mareykanka lagu qaadayo, waxaana qorshahan uu ka damabeeyay kadib amarkii Trump uu bixiyay bishii lasoo dhaafay.

Wararka Keydmedia Online helayso ayaa sheegaya in Ciidanka Mareykanka ee ka baxaya Soomaaliya la geynayo dalalka Kenya iyo Jabuuti, halkaasoo ay kasoo qaadi doonaan weerarada dhanka cirka.

Wasaaradda Gaashaandjigga Mareykanka ma aysan shaacin tirada askarta ka joogta Soomaaliya, laakiin waxay KON ogaatay in 700 illaaa 1,000 ay gaarayaan, kuwaasoo intooda badan ku sugan Beleddoogle, Muqdisho iyo duleedka Kismaayo.

Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay bixitaanka Ciidanka Mareykanka, isagoo rumeysan in uusan jirin dal kale oo buuxin kara kaalinta Washington ee dhanka la dagaalanka Al-Shabaab, oo hogaamiyeyaasheedii ugu sareeyay lagu dilay duqeymaha AFRICOM.

Mareykanka wuxuu Safaaradda ku leeyahay Muqdisho, taasoo ku taalla gudaha Xalane oo ah xarun ay degan yihiin hay'adaha QM, taliska AMISOM iyo Safaaradaha reer galbeedka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.