KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa magaaladda ku sugan Mahad Salaad, agaasimaha hay'adda NISA, oo maalmahan howlo shaqo u joogey.
DOOLOW, Soomaaliya - Waxaa saakay Garoonka diyaaradaha Doolow la wareegay Ciidan Itoobiyaan ah, xili magaaladda uu ku sugan yahay Mahad Salaad, agaasimaha hay'adda NISA.
Ilo ku sugan degmada, ayaa KON u xaqiijiyay in Ciidanka ay yihiin kuwa katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, oo bedel ku yimid, iyadoo kuwii horey u joogey dib loogu celiyo dalkooda.
Isbedelkan ayaa waxaa goobjoog u ahaa Mahad Salaad oo ku amaaney Ciidanka Itoobiya doorkooda amniga Garoonka iyo Guud ahaan magaaladda, oo mudo ay ka ilaalinayeen Al-Shabaab.
Waxaa ka socda Doolow abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo kulamo uu Mahad Salaad la yeeshay Janan, Fartaag iyo Gudoomiyaha Gedo Cabdullaahi Buule Kamay.
Mahad Salaad ayaa sheegay inay dowladda Itoobiya wadashaqeyn dhaw kala dhaxayso dowladda Soomaaliya dhanka la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama kooxda ay khatar ku tahay amniga labada dal.
Al-Shabaab ayaa dhawaan weeraro ku qaaday Itoobiya, iyadoo ka gudubtay xadka gobolka Bakool, taasoo keentay inay indhaha Addis Ababa kusoo jeediso dalka Soomaaliya, oo aaga laga ilaaliyo amnigeeda ka sameysatay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.