AMISOM oo hooyo carruurteeda ku hor-dilay

Ciidamada Burundi ayaa haweenda ku toogtay tuulada Buuraane ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dadka degaanka ayaa sheegay hooyadda la dilay lagu magacaabi jiray "Guura Xuseen Tuure".

Warar Keydmedia Online

JOWHAR, Soomaaliya - Askarta Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ayaa saakay degaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Guura Xussen Tuure.

Ilo wareedyo ayaa Keydmedia Online u sheegaya in Ciidamada shisheeye iyagoo ku gudaha jira howlgal roondo ah ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay, kadibna si ay u aargoostaan weeraray tuulada u dhow ee Buurane ayna ku toogtaan haweenayda da'da ah. Guura Xuseen waxaa lagu hor dilay afar caruur agoon ah oo ay korineysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.