Ciidanka DANAB oo qabtay labo Sarkaal oo katirsan Al-Shabaab

Howlgallada militeri ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay markii Ciidanka Mareykanka dalka isaga baxeen, lana joojiyay duqeymihii dhanka cirka.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DANAB oo qabtay labo Sarkaal oo katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Sarkaal oo katirsan Al-Shabaab ayaa nolosha lagu qabtay kadib markii Kumaandooska Danab ay howlgallo ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Danab ayaa howlgalladii ay ka sameeyeen Degwariire iyo Adiimoole oo ku dhaw Tooratoorow ay ku burburiyeen Maxkamado iyo xaruumo Casnhuurta ku qaadi jirtay Kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 83-aad ee Danab Nuurdiin Macalin Xuseen ayaa sheegay in dagaal ka dhacay degaannada howlgalka laga sameeyay lagu dilay 7 dagaalyahan, oo katirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in howlgallo kale oo ay ka fuliyeen Tuulooyinka Daarusalaam iyo Mubaarak isla G/Shabeellaha Hoose ay khasaaro ku gaarsiiyeen kooxda argagaxisadda.

Howlgallada militeri ee Danab, ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay markii Ciidanka Mareykanka dalka isaga baxeen, lana joojiyay duqeymihii dhanka cirka ee AFRICOM.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah meesha Ciidamada ugu badan joogaan, oo dagaallada ugu badan lagula galay Al-Shabaab, iyadoo Kooxda laga saari waayay dhowr toban sano.

Waxaa la rumeysan yahay in amniga Muqdisho uu ka degi la'yahay joogitaanka Al-Shabaab, ee gobolkan deriska la ah, oo laga soo maleego qaraxyada ka dhaca Caasimadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.