Ciidanka DF iyo kuwa Kenya oo isku rasaaseeyay Gedo

Askar u dhashay Kenya ayaa la sheegay in lagu dhaawacay israsaaseynta oo ka dhacday meel ku dhaw Beled-Xaawo.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF iyo kuwa Kenya oo isku rasaaseeyay Gedo

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Dhowr Askari oo kamid ah Ciidamada Kenya, ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaal kooban oo iyaga kuwa dowladda Soomaaliya maanta ku dhexmaray meel ku dhaw xadka labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay timid kadib markii Ciidanka Kenya isku dayeen inay usoo tallaabaan dhanka Beled-Xaawo oo maalmo kahor ay kula dagaalameen Ciidanka Jubbaland, oo laga saarey magaaladda.

Lam oga khasaaraha dhanka Ciidanka DF kasoo gaarey iska hor'imaadka ka dhacay nawaaxiga Beled-Xaawo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Gorgor ee Turkiga Muqdisho ku tababarey.

Gedo waxaa ka taagan Xiisad dagaalka oo salka ku haysa loolanka Ogaadeen iyo Mareexaan ee dhanka Maamulka gobolka oo hadda lagu qabanayo dhawaan doorasho magaalo madaxdiisa Garbahaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.