Ciidanka Itoobiya oo faarujinaya Saldhigyo muhiim ah

Labada saldhiga ayaa la filayaa inay la wareegaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha kala-guurka amniga.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Itoobiya oo faarujinaya Saldhigyo muhiim ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya inay faarujiyaan saldhiyada ay ku leeyihiin degmooyinka Qansaxdheere iyo Buurdhuubo.

Qansaxdheere oo katirsan Baay iyo Buurdhuubo oo Gedo ku taalla waxaa hadda soo foodsaartay dadka ku dhaqan cabsi dhanka amniga ah, iyagoo ka baqaya inay soo laabato Al-Shabaab.

Degmooyinka ayaa kamid ahaa dhulkii Al-Shabaab laga sifeeyay sanadkii 2014, waxayna ahaayeen kuwa go'doon ku jira, oo aan dadkii Ganaciga uga imaan karin dhulka.

Ciidanka Itoobiya ayaa saldhigyada oo kaliya ka baxaya, balse waxaa la sheegay inay gobollada ay sii joogi doonaan, iyadoo la filayo inay ka qeyb qaataan duulaan la qorsheeyay.

Waxay sidoo kale Ciidanka Itoobiya ilaalin doonaan wadooyinka isku xira saldhigyadooda, ee sahayd u marto, oo khatar ay ku hayso Kooxda Al-Shabaab oo go'aaminaysa.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xili dhawaan uu Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Jen Odowaa Yuusuf Raage Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya, oo ay howlgalka Al-Shabaab kawada hadleen.

Odowaa ayaa taageero waydiistay Itoobiya kadib markii xiriirka kala dhaxeeya taliska AMISOM uu xumaadey wixii ka dambeeyay howlgalkii gobolka Sh/Dhexe horaantii sanadkan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.