Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Gedo oo Muqdisho la geeyay

Dadkan ayaa qaarkoo qaba dhaawacyo culus, waxaana la filayaa in Turkiga loo qaado.

Warar Keydmedia Online
Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Gedo oo Muqdisho la geeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho lasoo gaarsiiyay xalay dad ku dhaawacmay dagaalkii shalay Ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland ku dhexmaray Beled-Xaawo, oo katirsan gobolka Gedo, kuna dhaw xadka Kenya.

Ugu yaraan 20 qof ayay gaarayaan dadka dhaawaca ah ee la keenay Muqdisho, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina, iyadoo wararka ay sheegayaan in dhaawacyada dad shacab ah u badan yihiin.

Inta la ogyahay 11 qof ayaa ku dhimatay dagaalkii Beled-Xaawo, kuwaasoo 8 kamid ah ay Carruur ahaayeen, waxaana dhimashadda sababay hoobiyeyaal lagu garaacey guryahooda habeen hore.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hadda la wareegay oo gacanta ku haya Beled-Xaawo, iyadoo kuwa Jubbaland ay ku sugan yihiin banaanka halkaasoo ay isku abaabulayaan, si ay weerar rogaal-celis ah ugu qaadaan magaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.