Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo

Dagaalka intii uu socday, Ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM waxay meelo dad shacab ah degan yihiin ku tuureen hoobiyeyaal khasaaro geystay.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo

CEEL-CAAQ, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaadey degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo halkaasii ay dagaal culus kula galeen Ciidamada dowladda.

Dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen hubka noocyadiisa kala duwan, oo labada dhinac isku adeegsanayeen, waxaana dagaalka ka dhashay khasaarooyin kala duwan, inkastoo aan tirada la xaqiijin wali.

Ciidamada dowladda ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaadey, waxayna dib u riixeen Al-Shabaab oo dhankeeda khasaaro culus oo gaarey, waxaana xaaladda magaaladda ay tahay mid degan, iyadoo Ciidan DF ay sameynayaan howlgallo.

Al-Shabaab ayaa sare u qaadey weeraradeeda xili dalka marxalad adag ku jiro, oo khilaaf ka taagan yahay doorashadda dalka, oo waqtigii la qaban lahaa ka gudubtay bishan, sidoo kalena Baarlamaanka mudo-xileedkiisa dhamaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.