Dagaal culus oo ka dhacay Waajid

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaaladda, halkaas oo Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku leeyihiin fariisamo, sida ay Saraakiisha gobolka u sheegeen KON.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka dhacay Waajid

WAAJID, Soomaaliya - Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo kaabaya kuwa Itoobiya, ayaa xalay Kooxda Al-Shabaab dagaal xoog leh kula galay magaaladda Waajid, ee gobolka Bakool.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab markii horey ay hoobiyeyaal ku garaacday Garoonka diyaaradaha kadibna ay soo weerartay, waxaana u suurta-gashay inay mudo saacado ah la wareegto gacanta ku heynta magaaladda.

Ciidamada ayaa dib ugu laabtay saakay saldhigyadooda kadib markii ay Al-Shabaab dib uga baxday. Lama oga illaa hadda khasaarihii labada dhinac kasoo gaarey dagaalkii dhacay, kaasoo ahaa mid culus, oo socday ku dhawaad hal saac.

Waajid waxay kamid ahayd magaalooyinkii Al-Shabaab laga saarey 2014, laakiin inkastoo la xoreeyay wali waxaa saaran go'doon lagu soo rogay, taasoo ka dhalatay inay dadka shacabka ah dhibaato dhanka nolosha ah soo wajahday kadib markii ay qaali noqdeen badeecooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.