Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo

Mudo-xileedka Lafta-Gareen ayaa ku ekaa 19kii bishan, mana uusan qaban doorashaddii la sugayay.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya  - Dagaal xoog leh ayaa saakay ka billowday magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Wararka Keydmedia Online helayso ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kadib markii Ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen Guriga uu degan yahay Musharax Maxamed Aadan Farkeeti oo hubeysan.

Dagaalka ayaa ka socda xaafadda Bardaale, waxaana lasoo sheegay in shacabka qaar ay barakaceen, iyadoo dhinacyada isku adeegsanayaan hub culus, oo Baydhabo oo dhan laga maqlayo.

Lama oga illaa hadda khasaaraha, balse waxaa la filayaa inay saraakiisha amniga hadlaan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii mudo-xileedka Lafta-Gareen uu dhamaadey 19kii bishan, Islamarkaana uu sameystay mudo-korarsi.

Mucaaradka ayaa diiday mudo-korarsiga, waxayna ku dhawaaqeen Ciidanka Badbaado Koonfur Galbeed.

Lafta-Gareen ayaa sheegay inay Baydhabo ka jiri doonin Badbaado Koonfur Galbeed wax la yiraahdo, oo uu cagta marin doono.

Mucaaradka ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo uu ugu horeeyo Sharif Sakiin, oo mar Madaxweyne ka noqday Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.