Dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii Ahlu Sunna meesha ka baxday dib usoo rogaal-celisay, iyadoo duulaan kusoo qaadey dhowr jeer magaaladda Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ugu yaraan 13 isagu jira 10 Al-Shabaab ah iyo 3 askari ayaa ku dhimatay dagaal culus, oo maanta ka dhacay duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug.

Xubno katirsan Saraakiisha amniga Galmudug ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online in Ciidanka dowladda ay la wareegeen degaan Ceel Cali lagu magacaabo oo dhaca duleedka magaaladda Dhuusamareeb kadib dagaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.