Dagaal ka dhacay Gedo iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Shaataalow oo 20-KM u jira degmada Luuq.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Gedo iyo Wararkii ugu dambeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus ayaa ka dhacay Maanta ka dhacay degaan ku dhaw degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Saraakiisha amniga gobolka qaarkood oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii Ciidamada DF oo howlgal ku jira la kulmeen weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey iyagoo ku sugan Tuulada Shaataalow, oo 20-KM u jirta Luuq.

Ku dhawaad 5 katirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalka, iyadoo nolosha lagu qabto xubno kale oo la geeyay saldhigga Luuq, waxaana Ciidamada la wareegeen goobihii Al-Shabaab kasoo weerari jireen saldhigydooda.

Gedo waxaa mudooyinkii dambe ka socday dagaallo u dhaxeeya Ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland oo isku haya maamulka gobolkan oo dadka degan u badan Beesha uu kasoo jeedo Farmaajo, taasoo diidan maamulka Axmed Madoobe ee fadhiya Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.