Dagaal ka socda dowlad degaanka Soomaalida

Deggaano ka tirsan Dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya ayuu iminka ka soconayaa dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Liyuu boolis.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka socda dowlad degaanka Soomaalida

JIGJIGA, D.D.Soomaalida- Sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan aagga Huluul ee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer, waxaa galabta degmadaas ka billawday dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Liyuu boolis.

Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo inta badan deggaanada hoostaga degmada Hargeelle.

Dadka rayidka ee ku sugan meelaha uu dagaalku ka socda, ayaa ka barakacay guryahooda, waana kuwa muujinaya cabsi aad u fara badan.

Dagaalkan ayaa daba jooga weeraro culus oo ay Al-Shabaab ku qaadeen deggaanada Yeed iyo Aato, oo ku yaalla xad beenaadka Itoobiya iyo Soomaliya.

Wixii intaas ka danbeeyey dirirta ayaa noqotay mid xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo iminka aan la heynin tiro sugan.

Labada dhinac ayaa guulo ka sheeganaya dagaalka socda, mana jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta rasmi ahaanshaha wararka ka soo baxaya Al-Shabaab iyo saraakiisha Liyuu boolis.

Duullaanka Al-Shabaab ay ku qaadeen deggaanada Soomaalida Itoobiya ayaa keeneysa walaac hor leh oo ku saleysan amniga gobolka, oo mudooyinkii ugu danbeeyey aan caga badan ku taagneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.