Dagaalka Deni iyo Axmed Madoobe oo sii xoogeystay

Waxay ahaayeen xulufo isku biirsaday inay Farmaajo ridaan, waxaana markii uu qorshahaas u hirgelay la isku khilaafay dowladda cusub, oo Deni uu taageeradii ka filayay Axmed Madoobe ka waayay.

Warar Keydmedia Online
Dagaalka Deni iyo Axmed Madoobe oo sii xoogeystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka siyaasadeed ee Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland iyo Saaxibkiisii hore Saciid C/llaahi Deni oo hogaamiya Puntland.

Warar hoose oo KON heshay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dhowr jeer la hadlay Deni, si uu u joojiyo dagaalka uu ku hayo dowladda cusub ee Soomaaliya, balse uu ka diiday soo jeedinta.

Deni markii ay isku dhaceen Axmed Madoobe saxiib ka dhigtay Lafta-Gareen, oo xiligii Farmaajo xiriirkooda xumaa, waxaana hadda isku keenay dan ay wadaagaan oo ah dagaalka Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe kuma qanacsana shirqooladda ay wadaan labadan hogaamiye, maadaama ay doonayaan inay curyaamiyaan, oo xaalad u abuuraan xukuumadda RW Xamza Cabdi Barre.

Xamza ayaa meesha sida la sheegay keenay Axmed Madoobe, oo saaxiib soo wada-shaqeeyay ahaa, islamarkaana laga soo doortay Kismaayo, oo ku noqday Xildhibaan Gollaha Shacabka BFS.

Danaha Axmed Madoobe ka waayay Farmaajo wuxuu ka arkaa Xamza iyo Xasan Sheekh, oo uu rabo inay usoo gacan-geliyaan gobolka Gedo, oo mudo dheer uusan hoos imaan xukunkiisa.

Deni waxay kala tageen Axmed Madoobe oo saxiibo ku ahaa ridistii Farmaajo, markii ay dhalatay dowladda cusub, oo xiligii doorashadda Madaxweynaha uu taageero ka waayay.

Deni wuxuu rabey inuu cod ka helo Xildhibaanadii Axmed Madoobe soo saarey ee Jubbaland laga soo doortay, sii u noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, balse balanta looga baxay.

Hadda Deni wuxuu ka shaqeynayaa burburinta danaha Axmed Madoobe, isagoo kaashanaya Lafta-Gareen, oo ku furan mowjado gilgilaya kursigiisa, kadib markii laga soo horjeestay Mudo-korarsiga halka sano ee uu sameystay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.