Dedaallada Beesha Caalamka oo fashilmay

Tan iyo Khamiistii waxaa lagu cel-celinayaa Dhuusamareeb Madaxda shiraysa oo mid kasta uu doonayo inuu ka baxo, laakiin lagu celinayo madasha, waxaana lagala soo hadlayaa xarunta Xalane oo uu fadhiyo Safiirka Mareykanka Yamamoto.

Warar Keydmedia Online
Dedaallada Beesha Caalamka oo fashilmay

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadii aysan Madaxda Soomaalida ka baqi lahayn Beesha Caalamka ma jiri lahayn labo meel isagu timaada, oo wada-hadasha si ay arrimo doorasho iyo wax kale uga wadhadlaan.

Canaanta Mareykanka ayaa lagu qabtay Shirarkii hore ee Dhuusamareeb iyo Muqdisho, ee lagu gaarey heshiiskii doorashadda Sep 17, 2020, iyadoo haddana isla canaantaas oo kale lagu qabtay kulankii u dambeeyay oo xalay fashilmay.

Tan iyo Khamiistii waxaa lagu cel-celinayaa Dhuusamareeb Madaxda shiraysa oo mid kasta uu doonayo inuu ka baxo, laakiin lagu celinayo madasha, waxaana lagala soo hadlayaa xarunta Xalane oo uu fadhiyo Safiirka Mareykanka Yamamoto.

Waxaa lagu amray Madaxa DF iyo Maamullada shanta ah inaysan kasoo tagin Dhuusamareeb, iyagoo aan heshiis ka gaarin khilaafka doorashadda xili Farmaajo uu rabey inuu Muqdisho kusoo laabto, si uu khudban uga jeediyo Kulanka Baarlamaanka Sabtida maanta.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa shalay oo Jimco ahayd rabey inuu qabto Shir jaraa’id oo uu ku shaacin lahaa inuu ka baxay Shirka, balse loo diiday inuu sidaas sameeyo, waxaana dib loogu celiyo kulanka.

Axmed Madoobe waxay isku dhinac yihiin hogaamiyaha Puntland Saciid Deni, oo ay is-qaarbaysanayaan, waxayna noqdeen saddex maamul kale kuwa wixii MD Farmaajo afkiisa kasoo yeeraba haye dhaho.

Xaaladda Shirka Dhuusamareeb ayaa xalay meeshii ugu xumayd gaartay, waxayna sababtay in lagu kala tago, iyadoo aan heshiis la gaarin, qof kastana mooradiisa yareyd dib ugu laabanayo maanta.

Waa markii 4aad oo Madaxda kulmayaan tan iyo sanadkii tagey, walina meeshii hore ayaa lakala taagan yahay, oo horey looma socdo, waxaana khilaafka jira xudun u ah Farmaajo u abuuray mudo-korarsigiisa.

Farmaajo ayaa qabiilkiisa qaranka ka doortay.!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.