Deeq bixiyeyaasha oo diiday muddo-kordhinta Farmaajo - Warbixin

Ururka Midowga Yurub wuxuu ku baaqey in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, laguna saleynayo heshiiskii September 17.

Warar Keydmedia Online
Deeq bixiyeyaasha oo diiday muddo-kordhinta Farmaajo - Warbixin

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya waxay sheegtay inay ku adkeysaneyso go’aanka Gollaha Shacabka, ee muddo-kordhinta labada sano loogu sameeyay Farmaajo April 12, 2021.

Mowqifku wuxuu ahaa mid dhabar jab ku ah baaqii deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee diiday waqtiga loo kordhiyay Farmaajo iyo Baarlamaanka, iyagoo sheegay in talaabadaas wiiqi karto xasiloonida dalka.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxay sheegeen inay ka fekeri doonaan "wax ka beddelka" nooca xiriirka maamulka Farmaajo, iyagoo xusay inay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn qaswadiyaasha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa xusay in muddo-kordhinta sharci-darrada ah ay ku qasbi doonto Washington inay dib u qiimeyso xiriirka Villa Somalia, ayna joojin doonto dhaqaalaha ay ku taageerto DFS.

Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, wuxuuna siiyay dowladda Farmaajo in ka badan $ 441 milyan tan iyo 2018, iyadoo sidoo kale gacanta ku hayay DANAB, oo tababarkooda iyo mushahaarkooda uu bixiyo.

Midowga Yurub oo safka hore uga jira deeq bixiyeyaasha wuxuu diiday muddo-kordhinta Farmaajo oo aan ka tarjumenin danaha shacabka, sidoo kalena laga muujiyay walaac xooggan inuu kala qeybin doonaan Soomaaliya, islamarkaana keeni doono dib u dhacyo kala, ayna khatar weyn ku tahay Nabadda iyo Xasiloonida Wadanka.

Ururka Midowga Yurub wuxuu ku baaqey in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, laguna saleynayo heshiiskii September 17.

Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin kale, oo cunaqabateyn iyo xayiraado dhanka safarka ay ku jiraan, iyadoo lagu ciqaabayo kuwa muddo-kordhin sameeyay [Mursal iyo Kooxdisa] iyo Farmaajo.

Muddo-kordhin waxay soo xirtay albaabadii wadahadaladii ku saabsanaa sidii loo qaban lahaa doorashooyinka dadban, taasoo horay loogu heshiiyey, iyadoo la jebiyay dastuurka, waxayna deeq bixiyeyaashu sheegeen in Farmaajo uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen.

James Duddridge, Wasiirka Arimaha Afrika ee UK ayaa yiri "Tani xal uma ahan culeysyada socda ee ku aadan hanaanka doorashada, laakiin taa badalkeeda waa talaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hogaaminta Farmaajo, isla markaana qatar ku ah amaanka iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed."

Gollaha Shacabka wuxuu noqday hay’ad marka Villa Somalia rabto inay wax meel-marsato la furo, marka kalena la iska xiro, iyadoo meesha laga saarey awooddii iyo sharciyadii Baarlamaanka Soomaaliya lahaa.

Farmaajo balan-qaadyadiisii waxaa kamid ahaa inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, oo aan dalka ka dhicin 50 sano, inuu 2 sano ku nabadeynayo Soomaaliya, inuu AMISOM dalka ka saarayo iyo inuu wadahadallo la galayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo dhamaantooda midna ka fulin afartii sano ee uu xafiiska joogay.

KEYDMEDIA ONLINE
 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.