Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa goor dhaw ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarrunta Maamulka HirShabeelle.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah, oo ku taala xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar, taasoo ay fadhiyeen dad shacab ah iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka HirShabeelle, iyadoo halkaasina uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wallow aan la xaqiijin karin tirada sugan ee qaraxa ku geeriyootay ama ku dhaawacantay, haddana waxaa la sheegayaa in inta la hubo ay ku dhaawacmeen labo Xildhibaan oo ka tirsan barlamanka Hirshabelle, kuwaasoo dhaawacooda la geegey Isbitalka weyn ee Magaalada Jowhar.

Ciidamo ka tirsan kuwa HirShabeelle ayaa gaaray, halka uu qaraxu ka dhacay, waxana iminka ay wadaan baaritaan la xiriira ciddii falkaasi ka danbeysay.

Maamulka HirShabeelle iyo laamaha amniga ayaanan weli ka hadlin qaraxaasi, oo sida la sheegayo ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa, waxaase weerarada ceynkan oo kala ah looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jirtay tan iyo 2008-dii.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.