Wasiirka Batrool oo looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha

Heshiiska shidaalka ayaa waxaa uu ahaa mid qarsoodi ah oo 7 milyan oo dollar ay Shirkadda kula heshiiyeen Farmaajo iyo Wasiirka, kaasoo banaanka soo baxay kadib khilaaf soo kala dhaxgalay labada Mas'uul.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Batrool oo looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa xafiiskiisa ugu yeeray Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kadib markii uu saxiixay heshiis shidaal baaris ah oo la galay Shirkadda Coastline Exploration Limited, oo horey loo oran jiray SOM Oil & GAS.

Heshiiska shidaalka ayaa waxaa uu ahaa mid qarsoodi ah oo 7 milyan oo dollar ay Shirkadda kula heshiiyeen Farmaajo iyo Wasiirka, kaasoo banaanka soo baxay kadib khilaaf soo kala dhaxgalay labada Mas'uul.

Wasiirka ayaa kashifay heshiiska kadib markii uu waayay Kursiga Xildhibaan, oo Villa Somalia qof kale ku fariisisay, iyadoo isaga balanta looga baxay, taasoo sababtay in baraha bulshadda la isagu jawaabo.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Febuary 2022, ayuu Wasiirka uga mahadceliyey Farmaajo taageerada uu u fidiyey dhameystirka heshiiska. Farmaajo ayaa August sanadkii tagey joojiyay in heshiisyo lala gali shirkadaha ajnabiga inta dalka doorashadda ka socoto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid sharci darro ah, oo Xukuumadiisa aysan aqbali doonin. Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa hadda ku socota isla-xitaabtan, maadaama uu watigooda xukunka soo dhamaadey.

Halkan ka akhriso qoraalka Xeer Ilaaliyaha:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.