Deni iyo Madoobe oo Rooble u adeegsanaya ridista Farmaajo

Labada hogaamiye ayaa Xamar ka wada shirqoollo ay Farmaajo uga qaadayaan awoodda Ciidan, waxayna adeegsanayaan Rooble, oo aan dhagartooda ku buraarugsanayn.

Warar Keydmedia Online
Deni iyo Madoobe oo Rooble u adeegsanaya ridista Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho waxaa ka taagan loolan adag iyo dagaal siyaasadeed, oo labo dhinac ah, waxaana mudo shan maalin ah socda shirka arrimaha doorashooyinka.

Deni iyo Axmed Madoobe, oo mudadii afarta sano ee lasoo dhaafey dagaal kula jiray Farmaajo, ayaa helay hadda xulufo muhiim ah, kaasoo ah Rooble oo uga faa'ideysanayaan khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaadey.

Labadan hogaamiye ayaa hurinaya xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Caasimadda dalka, iyagoo shirka Afisyooni ay keeneen ajande ah in amniga qaranka si buuxda looga soo wareejiyo Farmaajo, looga madax-baneeyo Rooble, taasoo madaxda isku khilaafeen.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni waa musharax qarsoon, oo isku diyaarinaya inuu u tartamo xilka ugu sareeya Soomaaliya, waxaana uu ku jiraa halgan sidii uu isaga horleexin lahaa Farmaajo, oo ah musharaxa Daarood ah, oo uu ka baqayo, maadaama inta badan Mushariixinta beelaha Hawiye ka yimaadeen.

Axmed Madoobe ayaa ku gacan siinaya Deni tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama hadii uu ku guuleysto uu meesha ka baxayo faragelintii Villa Soomaaliya ee Jubbaland, oo isaga boqortooyo uga dhisan tahay.

Rooble ayaan hadda ku buraarugsanayn dhagarta labada hogaamiye, ee danta gaarka ah wata. Lama oga inuu socon doono hadafkooda ah in Farmaajo la wiiqo awoodiisa, oo laga dhigo Musharax meel cidlo ah taagan, oo aan wax saameyn ah ku lahayd masiirka dalka iyo doorashadda.

Wararka ayaa sheegay in Rooble ku feker yahay Axmed Madoobe iyo Deni, islamarkaana ay doonayaan in amniga qaranka Farmaajo laga wareejiyo, waxaana kasoo horjeeda Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, oo ka biyo diiday in qodobkaas lagu soo daro ajandaha shirka socda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.