DF oo dalka ka cayrisay ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika

Wuxuu diblomaasiga u dhadhay Uganda faraha kula jiray arrimo ka baxdan sharciyadda uu dalka ku joogey iyo howlgalkiisa, sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda.

Warar Keydmedia Online
DF oo dalka ka cayrisay ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegtay inay Muqdisho ka cayrisay Simon Mulongo, oo ahaa ku-xigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Simon Mulongo, oo kasoo jeeda Uganda ayay Wasaaraddu ku eedeysay inuu faraha kula jiray waxyaabo ka baxsan waajibaadkiisa iyo sharciyaddii uu dalka ku joogey.

Waxay Wasaaradda ku tilmaantay nin aan dalka laga rabin "Persona non grata", iyadoo loo qabtay mudo 7 maalmood inuu isaga baxo Soomaaliya, oo mudo dhowr sano ah joogay.

Ma aysan shaacin qaladka uu galay nooca uu yahay, balse waxay wasaaradda sheegtay inuu howlaha iyo dhaq-dhaqaaqyada uu wadey aysan la jaan-qaadeynin mandate-ka AMISOM iyo Istaaraatiijiyadda amni ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ah mid ashtako hore ka gudbisay dowladda, oo AU-da wax ka qaban waysay, iyadoo Simon Mulongo lagu eedeeyay in arrimaha siyaasadda gudaha uu faragelinayay.

Soomaaliya ayaa dalbatay in Simon Mulongo lagu soo bedello qof kale oo dhex-dhexaad ah, waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq uu sheegay in lala xisaabtami doono hogaanka AMISOM, oo caadeystay inay sida ay doonaan u dhaqmaan, iyadoo ka gudbaya ujeedadii dalka loo keenay.

AMISOM ayaa mudo 14 sano ah dalka ka howlgalaysay, iyadoo ka kooban Uganda, oo Ciidanka ugu badan ka jooga, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana lagu eedeeyay inaysan si sax ah u howlgalaynin, oo Ciidanka iska qaataan Mushahaarkooda, iskana fadhiyaan saldhigaydii ay qabsadeen dhowr sano kahor.

Tallaabadan Simon Mulongo dalka loo cayriyay ayaa imaanaysa xili uu jiray khilaaf u dhaxeeya Midowga Afrika iyo dowladda Federaalka oo ku aadan ka bixitaanka AMISOM Dec 2021, iyadoo dhawaan Gudiga Nabad-gelyada iyo Amniga AU-da uu meel-mariyay qaraar howlgalka loogu bedelayo UN, taasoo Villa Somalia diiday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.