DF oo Sharci-darro ka dhigtay gudiyadda Jubbaland iyo Puntland

Waa tallaabo lagu tilmaamay xaalad abuur oo Farmaajo ku doonayo inuu khilaafka sii jiro, islamarkaana aan xal laga gaarin muranka doorashadda, si kursiga ugu sii fadhiyo.

Warar Keydmedia Online
DF oo Sharci-darro ka dhigtay gudiyadda Jubbaland iyo Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in aan lasoo gaarsiin qoraal rasmi ah oo ku saabsan magacaabista xubnaha Jubbaland iyo Puntland oo min 8 xubin ka kooban kuwaasoo ugu matalaya Gudiga doorashadda Heer Federaal.

Waxay ku tilmaantay sharci-darro hanaanka loo maray magacaabista, kaasoo ay sheegtay inuu baalmarsan yahay habka dastuuriga ah ee lagu magacaabo Gudiyadda noocan ah.

Waa tallaabo xaalad abuur ah, oo Farmaajo ku doonayo inuu khilaafka sii jiro, islamarkaana aan xal laga gaarin muranka doorashadda, si kursiga ugu sii fadhiyo.

Ergayga QM James Swan ayaa soo dhaweeyay magacaabista, isagoo ku micneeyay tallaabo wanaagsan oo soo dhaweyn mudan, islamarkaana loo qaadey dhanka xalinta khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Farmaajo ayaa markasta oo xalka soo dhawaado, oo dhinacyada kasoo horjeeda ay muujiyaan tanaasul, wuxuu qarxiyo khilaaf horleh, waa ujeedo cad oo shacabka ay wada ogyihiin inuu doonayo xukunka inuusan wareejin, oo aan la qaban doorasho.

Mudo xileedka Farmaajo 12 maalmood oo kaliya ayaa ka harsan, waxay saamileyda siyaasadda ku baaqeen in shir deg deg ah la isaga yimaada 30-ka bishaan, si aan waqtiga kale uga lumin dalka, oo doorashadda loo qabto.

Hoos ka akhri qoraalka Wasaaradda:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.