DF oo soo dhawaysay Heshiis ka dhacay Libya

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in danta Shacabka Libya ay ku jirto Midnimada iyo wadajirta loona baahan yahay in lasi waddo wadahadallada si ay u noqdaan kuwo guuleysta.

Warar Keydmedia Online
DF oo soo dhawaysay Heshiis ka dhacay Libya

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay Maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiska xabad-joojinta ee dalka Libya, kaasoo ay kala saxiixdeen dowladda Caalamka aqoonsan yahay iyo Mucaaradka uu hogaamiyo Jen Khalifa Xaftar.

"Dowladda Soomaaliya waxay si weyn u soo dhaweyneysa “is afgarad muhiim ah” oo ay ku dhawaaqday Dowladda Libya iyo Gollaha Wakiillada Agoosto 20, waa tallaabo sax ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday jihada saxda ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

DF ayaa ugu baaqday dhammaan qeybaha kala duwan ee Libya inay u hoggaansamaan, una fuliyaan qodobada heshiiska xabad-joojinta, kaasoo lagu lagu joojinayo dagaalka daba dheeraaday, sidoo kalena lagu soo celinayo midnimada iyo dowladnimada.

Libya, oo ku taalla gobolka Waqooyi ee Africa ayaa tan iyo markii la riday Col Qadaafi 2011 ka socday dagaal u dhaxeeya labo maamul oo Bariga iyo Galbeedka kala fadhiya, kuwaasoo ku loolamaya awoodda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.