Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Doorasho daah-furnaanteeda qoriga caaradiisa ku timid ayaa ka dhacday Gaalkacyo, iyadoo afka ciida loo daray Musharixiin la islahaa way kusoo baxayaan, sida Ubax Tahliil, kala soco macluumaad kala duwan warbixinta Keydmedia Online.

Warar Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

 7 March 2022: Madaxda HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa isku khilaafay 11 kursi oo kamid ah kuwa lagu dooranayo Beledweyne, taasoo sababtay dagaal ka dhacay magaaladda, kaasoo dib u dhigay codbixinta. Dabageed ayaa raba in Musharixiinta Villa Somalia wadato loo xiro kuraasta, halka Guudlaawe taasi kasoo horjeestay.

8 March 2022: Musharixiinta Mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay is-hortaaggii lagu sameeyay Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka duulo Garoonka Muqdisho, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen mid sharci-darro ah, oo ku xad-gudub ku ah xuquuqda dastuuriga ee muwaadhinka, waxayna gabood-falkaas, dusha ka saareen Lafta-gareen oo u adeegga MW hore Farmaajo.

9 March 2022: Sida laga soo xigtay Nordic Monitor, markabka Anatolian, oo laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa wajahaya baaritaan ay wadaan, Guddiga khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee la socda hubka sharci darrada ah.

Markabkaan oo ay maamusho, shirkadda Mavi Deniz Limited, oo xarunteedu tahay Istanbul, ayaa la sheegay inuu qiyaastii 24 saacadood, ku sugnaa, goob wax ka yar 1000, mitir, u jirta xeeb ku taalla Soomaaliya, gaar ahaan aagga ay maamusho Al-Shabaab.

10 March 2022: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa kulan ku yeeshay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa looga hadlay arrimo la xariira doorashooyinka, gaar ahaan, dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee BFS, taas oo mareysa meel gabogabo ah.

11 March 2022: Pentagon-ka ayaa doonaya in Madaxweyne Biden, ka noqdo go’ankii Trump uu ciidamada dalkaas uga saaray saldhigyada ay ku lahaayeen  Soomaaliya, isla-markaana saxiixo in dhowr boqol oo askari oo ka tirsan kuwa gaarka ah la soo celiyo.

12 March 2022: Lafta-Gareen ayaa isku diyaarinaya inuu noqdo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, isagoo dib u dhigtay Kursiga Hop172, oo doorashadiisu ka dhacayso Baydhabo 15-ka bishan. Lafta-gareen waxaa wata Farmaajo, oo uu la rabo kursiga Afhayeenka Gollaha Shacabka.

Muuse Biixi ayaa shalay u safray dalka Mareykanka, isagoo aan wax casuumaad ah ka haysan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Biden. Booqashadiisa ayaa timid kadib markii Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka usoo dirtay Casuumaad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.