Dhuusamareeb oo qarka u saaran in Al-Shabaab qabsato

Al-Shabaab ayaa aad uga baqi jirtay Ahlu Sunna oo dagaalka Galgaduud cashar ugu dhigtay 2009-2010 kadib markii awood loogala wareegay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Warar Keydmedia Online
Dhuusamareeb oo qarka u saaran in Al-Shabaab qabsato

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa dagaal la'aan kula wareegtay degaanka Ceeldheere oo ku yaalla duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug, sida ay goobjooge u xaqiijiyay Keydmedia Online.

Al-Shabaab ayaa xalay gashay tuuladda, oo dhacda inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoo aan la kulmin wax iska-caabin ah, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamo katirsan qeybta  21aad ee Millateriga Soomaaliya.

Tan iyo markii Qoor Qoor loo doortey Madaxweynaha Galmudug billowgii 2020, amniga ayaa faraha ka baxay, iyadoo Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku qaadeyso magaaladda Dhuusamareeb.

Dadka ku nool Caasimadda Galmudug, oo qaar la hadlay KON ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Dhuusamareeb u jirta wax ka yar 15-KM, islamarkaana ay jirto cabsi laga qabo inay la wareegto magaaladda.

Ahlu Sunna ayaa Al-Shabaab ku jebisay dagaalka Galgaduud, iyadoo kala wareegtay Dhuusamareeb iyo Guriceel 2009-2010, waxaana hadda soo baxay habacsanaan amni, oo keentay inay hunguriyeyso Kooxda inay dib ula wareegto magaalooyinkii horey looga saarey.

Galmudug ayaa wajahaysa xaalado adag oo cabsi leh, kaddib maalmo yar oo loo sameeyay bun-buunin Waaya-Aragga Galmudug oo dhan ugu sarreeya, waa Warbixin gaar ah oo ay Keydmedia Online ku eegeyso Amniga Galmudug Qoor-Qoor kadib. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.