Diblomaasi beeniyay in Ciidanka Uganda dileen 189 Al-Shabaab ah

Safiirka Uganda u fadhiya Qaramada Midoobey Adonia Ayebare ayaa beeniyay warkan oo warbaahinta Caalamka ay qoreen.

Warar Keydmedia Online
Diblomaasi beeniyay in Ciidanka Uganda dileen 189 Al-Shabaab ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la beeniyay warka ku saabsan in Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay howlgal ku dileen 189 xubnood oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Adonia Ayebare, oo ah Safiirka Uganda u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa waxba kama jirana ku tilmaamay hadalkaasi, isagoo xusay inaysan jirin illo-wareedyada ay xigteen Warbaahinta iyo Wakaaladaha wararka.

"Waxaan lahadlay hogaanka Ciidamada Uganda, waxay ii sheegeen in warka uu been abuur yahay, mana aheyn illo rasmi ah kuwa ay warbaahinta xigteen," ayuu yiri diblomaasiga. 

Uganda ayaa ka jooga Soomaaliya Ciidanka ugu badan AMISOM, kuwaasoo ka howlgala Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose, waxayna tiro aad u badan la kulmeen weeraro askar badan looga dilay, oo uu ku jiro mid ka dhacay Janaale Sep 2015 kaasoo ay ku dhinteen 70 askari.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.