Diyaarado duqeeyay xaruntii Qaraxyadda Al-Shabaab

“Waan sii wadaynaa duqeymaha Al-Shabaab inta Kooxda ay khatar kusii tahay amniga Soomaaliya," ayuu yiri Gen. Stephen Townsend, taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Warar Keydmedia Online
Diyaarado duqeeyay xaruntii Qaraxyadda Al-Shabaab

JILIB, Soomaaliya - Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku burburiyay xarunta wayn oo Al-Shabaab ku farsameyn jirtay qaraxyada olagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, oo ku taallay duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka Keydmedia Online ka helayso dadka degaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 xubnood oo Saraakiil ay ku jiraan in Al-Shabaab looga dilay, labo kalena looga dhaawacay howlgalka Mareykanka, iyadoo dhulka lagu daray goobta qaraxyada lagu sameyn jiray.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay weerarka, iyadoo qoraal uu soo saarey Maanta ku sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka ah kasoo gaarey duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [Drones].

Howlgalkan ayaa dhacay xili dhawaan Mareykanka shaaciyay in Sarkaal katirsan CIA-da looga dilay qarax ka dhacay degaanka Gandershe, oo koonfurta Muqdisho ku yaalla xili Ciidan uu la socday isku dayeen inay qabtaan hogaamiye katirsan Al-Shabaab.

Trump ayaa amar ku bixiyay in Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, oo lagu qiyaaso 700 oo askari in laga soo qaado inta uusan Aqalka Cad ka tagin January 2021. Go'aankan ayaa walaac ku beeray DF maadaama aysan jirin cid u buuxisa kaalinta Mareykanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.