Doorasho Farmaajo ka naxay oo ka dhacday Galmudug

Kursiga HOP138 oo horey ugu fadhiyay Ganacsade Saciid Nuur Gariish, ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warar Keydmedia Online
Doorasho Farmaajo ka naxay oo ka dhacday Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Farmaajo ayaa ka naxay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kusoo baxay Kursiga Xildhibaan ee tirsigiisu yahay HOP138, kaasoo loo rabey in la siiyo dumar.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah hogaamiyaha Mucaaradka ugu weyn dalka, ayaa Maanta noqdey xubin kamid ah Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka 11aad, isago helay 86 cod.

Wariye Xasan Cadde oo ahaa Musharaxa 2aad ayaa u tanaasuley CC Warsame, taasoo keentay in cod gacan-taag ah loo qaado, waxaana taageeray 86 ergo, oo kamid ah 101-da qof.

Wuxuu helay xasanaad uu ku hadli karo, islamarmarkaana NISA gurigiisa ku weerari karin sidii 2017. Doorashadda Siyaasiga aadka u dhaliila Farmaajo ayaa aad loo hadal hayaa Maanta.

Villa Somalia ayaa ku dadaashay inay CC Warsame ka reebto tartanka, waxaana qorshaheedu ahaa in Kursiga loo weeciyo qoondada Haweenka, balse Beeshiisa taasi kahor timid.

Kursiga Mahad Salaad ayaa laga baqayaa in dumar laga dhigo, maadaama heshiiska doorashadda dhigayo in Beeshiisa leh 3 kursi mid kamida laga dhigo qoondada Haweenka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.