Doorashadda Somaliland: Ogow waxa daha-gadaashiisa ku qarsan

Doorashada Baarlamanka Somaliland lama qaban mudo 16 sano ah, waxayna ahayd sida dastuurka uu dhigayo in shanti sano mar ay dhacdo, waxaana jirin hal Xildhibaan oo kuwii hore ah oo isasoo sharaxay.

Warar Keydmedia Online
Doorashadda Somaliland: Ogow waxa daha-gadaashiisa ku qarsan

HARGEYSA - Dad gaaraya 1.3 million oo qof ayaa isku diiwaan-geliyayay inay codadkooda ka dhiibtaan doorashadda Baarlamanka iyo mid degaanka Somaliland oo maanta billaabatay, iyadoo ka dhacaysa lix gobol.

Doorashada Baarlamanka Somaliland lama qaban mudo 16 sano ah, waxayna ahayd sida dastuurka uu dhigayo in shanti sano mar ay dhacdo, waxaana jirin hal Xildhibaan oo kuwii hore ah oo isasoo sharaxay.

Dib u dhaca mudada dheer waxaa keenay khilaafyo ka dhex jiray xisbiyadda iyo musiinooyin ka dhacay Somaliland oo ay kamid yihin fatahaado, abaaro iyo colaado sokeeye.

Kuraasta Baarlamanka Somaliland waxay ka kooban yihiin 82, waxaana u tartamaya 246 musharax oo dhamaantood wajiyo cusub ah, oo u tartamaya xisbiyadda Kulmiye oo xukunka haya, UCID iyo Waddani.

Waxaa sidoo kale dhacaysa doorashadda gollayaasha degaanka ama dowladaha hoose, oo isku soo sharaxay 522, oo u taryamaya kuraasta oo gaareysa 342, oo haween ay ka yihiin 28 xubnood oo kaliya.

Waxay doorashadda ka dhacay 2,709 goobood oo ku yaalla 13 degmo. Waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo codbixinta maanta gelinka dambe.

Somaliland waa ay sodon jirsaday sanadka, waxayna wali la’dahay aqoonsiga caalamiga, kaasoo ay adag tahay inay hesho, laakiin ay sameynayso wax lamid ah halganka Taiwan, oo madax-banaani raasi ku jirta.

Sanadkan waxaa la shaaciyay inay Somaliland gelisay doorashadda dhaqaale aad u badan oo lagu qiyaasay $25 million, waxayna lacagta inteeda badan ka timid deeqaha dowladaha taageera Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan inay Somaliland lacag badan ku bixisay sidoo ay ku heli lahayd korjoogto caalami ah, iyo warbaahin mida Kenya laga leeyahay u badan oo ay soo kireysatay, si ay u tebiyaan doorashadeeda.

Doorashadda waxay ka dhacaysaa gobollada Awdal, Sahil, Maroodi-Jeeh, Toghdeer, Sanaag iyo Sool, oo lagu mursan yahay, islamarkaana ay Puntland qeybo mid ah maamusho, iyadoo dadka deegaan aysan codeyn karin.

Somaliland oo dadkeeda gaarayaan 4 million ayaa waxa bixisay dedaal kasta oo ay awoodda sidii ay ku heli lahayd aqoonsi, iyadoo doorashooyinka ay qabanayso u isticmaalaysa fure ay ku furato albaabada ka xiran.

Saddexda Xisbi ee ka jirta waxay ku dhisan yihiin nidaamka qabiilka, oo Somaliland tan iyo markii la aas-aasay 1991 ku dhaqmaysay, iyadoo ay jiraan qbiil badan oo la heeb-sooco, oo aan loo ogoleyn xilalka sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.