Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Qoraallada kasoo baxay AFRICOM iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan degaanka la duqeeyay.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Shabeellaha Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka ayaa weerar duqeyn ah ka fulisay degaan ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay AFRICOM.

Howlgalka oo dhacay Khamiistii shalay, July 9 ayaa waxaa lagu dilay hal xubin oo katirsanayda Al-Shabaab, iyadoo lagu bur-buriyay  bar-koontarool oo Kooxda ku qaadi jirtay canshuurta oo ku taalla degaanka Hanti-wadaag oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraallada kasoo baxay AFRICOM iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan degaanka la duqeeyay. Inat badan war-saxaafadeedyada Militeriga Mareykanka ayaa lagu sheegaa in khasaaro shacab ka dhalay howlgalladooda.

Duqeyntan ayaa noqonaysa midii ugu horeysay, oo Mareykanku ka fuliyo Gobolka tan iyo 2017, waxuuna kusoo beegmayaa xili jidka isku xira Jowhar iyo Balcad kusoo xoogeysatay Al-Shabaab, oo maalmo kahorna lagu dilay Xildhibaan katirsanaa HirShabeelle.

Dawladda Soomaaliya waxay taageero ka heshaa Mareykanka iyo Midowga Africa, oo Ciidamo ka difaaca Al-Shabaab usoo diray, waxayna waxba kala socon inta badan howgaladda askarta ajnabiga ka fulinayso dalka, oo qaarkood shacab ku dhintaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.