Duqeyn ka dhacday gobolka Bakool

Xubno Sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeynta diyaaradeed.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn ka dhacday gobolka Bakool

XUDUR, Soomaaliya - Diyaarado dagaal oo loo maleynayo inay yihiin kuwa militeriga Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah xalay ka fuliyay duleedka degmada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarka wuxuu ka dhacay Tuuladda Maamadow, oo qiyaastii 40-KM dhanka bari uga beegan Xudur, waxaana la sheegay in diyaaradaha ay dhowr gantaal ku dhufteen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiisha Militeriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay Keymedia Online in hogaamiyeyaal sare oo kamid ahaa Al-Shabaab in duqeynta lagu dilay, kuwaasoo la beegsaday xili habeen ah oo ay jiifeen.

Wali Taliska Militeriga Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] wax war ah kama soo saarin howlgalka inay igu fuliyeen iyo inkale, laakiin wararka ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha ay ahaayeen drones, kuwaasoo ay adeegsadaan Ciidanka US.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.