Eedeysane Yaasiin Fareey oo loo doortey kursi Xildhibaan

Yaasiin Fareey, Kulane Jiis Mariixaan iyo Fahad Yaasiin ayaa ah ragga ugu waaweyn ee la tuhmaya inay dileen Ikraan Tahliil Faarax.

Warar Keydmedia Online
Eedeysane Yaasiin Fareey oo loo doortey kursi Xildhibaan

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Yaasiin Fareey ayaa sida horey loo saadaaliyay kusoo baxay doorashadda Kursiga hope67, taasoo ka dhacday Maanta magaaladda Dhuusamareeb.

Doorashadda waxaa kula tartamay Musharax Malxiis ah, oo lagu magacaabey Maxamed Cali Culusow, waxaana loo diiday Kursiga inuu u tartamo Jen Tuuryare, taliyihii hore ee NISA.

Kursiga oo leh Beesha Wacaysle - Abgaal ayaa kamid ah kuraasta uu boodey Farmaajo, iyadoo ay kasoo yeertay Musharixiintii kale ee damaca uga jira cabasho xoog leh, oo aan jirin cid wax uga qaban karta.

Yaasiin Fareey ayaa geystay Dhuusamareeb askar badan oo NISA katirsan, oo ergo laga dhigay, waxaana muuqata inuu Qoor-Qoor kaalin weyn ku leeyahay boobka Kursiga lagu sameeyay.

Sharuucda doorashadda waxaa la ogaadey inay yihiin kuwa Farmaajo sida uu doono u rog-rogi karo, isagoo cidii uu raba, xitaa ay dembi leedahay ka gudbiyo, taasoo tusaale u ah Yaasiin Fareey, oo Maanta Dhuusamareeb lagu doortay.

Sida ka muuqata Shuruucda iyo nidaamka doorashadda, Musharaxa waxaa laga doonayaa inuu xilka uu hayo iska-casilo kahor inta uusan is diiwaan-gelin saddex Todobaad kahor, taasi ma uusan sameynin Yaasiin Fareey, taliyaha NISA.

Yaasiin isagoo ku eedeysan kiiska dilka Ikraan Tahliil, oo Maxkamad dacwad ka taallo ayuu is-diiwaangeliyay.

Yaasiin Farey, Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis waxay u tartamayaan kuraas Baarlamaan, si ay uga baxsadaan cadaaladda, oo ay u noqdaan dad leh xasaanad dowladda soo socotana u maxkamadeynin. Farmaajo ayaa ka shaqeynaya inuu dhiso raggii lasoo halgamay, isagoo ka dhigay Xildhibaanno.

Doorashadda ka socoto Soomaaliya ayaa ah mid musuq-maasuq uu hareeyay, oo aan ka jirin hufnaan, cadaalada iyo sinnaan, waxaana laga digay inay abuurto jawi qalalaase horleh.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.