Ereteriya oo ku biirtay dagaalka Itoobiya - Warbixin

In kastoo ay beeniyeen labada dal warkan, haddana ilo katirsan dowladda Mareykanka iyo shan diblomaasi oo u dhuun-daloola arrimaha gobolka Geeska Afrika ayaa sidaas sheegay.

Warar Keydmedia Online
Ereteriya oo ku biirtay dagaalka Itoobiya - Warbixin

ASMARA - Mareykanka wuxuu rumeysan yahay in askarta Eriteriya ay u gudbeen dhinaca Itoobiya si ay uga caawiyaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed dagaalka ay kula jirto Jabhadda ku sugan gobolka Tigray ee TPLF.

In kastoo ay beeniyeen labada dal warkan, haddana ilo katirsan dowladda Mareykanka iyo shan diblomaasi oo u dhuun-daloola arrimaha gobolka Geeska Afrika ayaa sidaas sheegay.

Abiy iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki oo kala saxiixday heshiis nabadeed oo soo afjaraya colaad labaatan sano jirtay sanadii 2018, ayaa u arka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) inay yihiin cadaw ay wadaagaan labada wadan.

Hadalka Mareykanku waxuu abuurayaa xaalad siyaasadeed oo cakiran, maadaama Washington ay u aragto Itoobiya inay tahay saaxiibka ugu weyn ee Geeska Afrika, iyadoo ku eedeysay nidaamka ka jira dalka Eriteriya inay geystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqd aadanaha.

Mareykanka wuxuu soo bandhigay Caddaymo muujinaya ku lug lahaanshaha Ereteriya ee dagaalka Itoobiya, waxaana ka mid ah sawirro dayax gacmeed, wadahadallo Taleefon oo la dhageystay  iyo warbixinno sirdoon, oo ay heshay Reuters.

Diblumaasi sare oo ka socda wadan kale ayaa arintaas ku raacay Mareykanka, isagoo sheegay in "kumanaan" askarta Eriteriya kamid ah ay u gudbeen dhanka gobolka Tigreegga, iyagoo toos uga barbar dagaalamay Ciidanka Federaalka Itoobiya.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed oo Sabtidii ay la xiriirtay Reuters ayaa yiri: "Annagu kuma lug lihin dagaalka Itoobiya. Waa dacaayad".

Itoobiya waxay beenisay in Ereteriya, oo ahayd cadowgeedii hore inay gashay dagaalka, in kastoo Abiy uu sheegay Isbuucii la soo dhaafay in qaar ka mid ah Ciidamada dalkiisa ay tageen Ereteriya bilowgii colaadda lana siiyay gargaar. Afhayeenka Abiy wuxuu u sheegay in su'aalaha Reuters loo baahan yahay in la waydiido dowladda Ereteriya.

Kooxda TPLF ayaa sheegatay inay dishay, islamarkaana ay qabatay tiro badan oo kamid ah Ciidamada Ereteriya bishii la soo dhaafay, laakiin wax cadeyn ah ma aysan soo bandhigin. Waxay TPLF gantaallo ku garaacday Asmara ugu yaraan afar jeer, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Ciidamada Eriteriya ayaa la rumeysan yahay inay galeen Itoobiya bartamihii bishii November 2020, iyagoo sii maray seddex magaalo oo ku yaalla xadka waqooyiga: Zalambessa, Rama iyo Badme, sida ay laba diblomaasiyiin u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Qaar ka mid ah qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Suudaan ayaa u sheegay Reuters inay arkeen askarta Eriteriya oo ka dagaalamaya waqooyiga Tigray, gaar ahaan magaalada xadka ku taalka ee Humera bishii hore, halkaasoo ku dhaceen madaafiic ka timid dhanka xuduuda.

Ciidamada Ereteriyaan ayaa sidoo kale lagu arkay magaalada Caasimada ah ee Mekelle. Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa u sheegay Reuters in askarta Eriteriya ay weerareen laba xero oo ay ka afduubeen qaar kamid ah dadka deegaanka, laakiin wax cadeyn ah ma bixin.

Saraakiisha Itoobiya waxay ku eedeeyeen TPLF inay sawirro kasoo qaadey malleeshiyaadkeeda oo xiran dareeska Ciidanka Ereteriya si ay usii xoojiso sheegashadeeda, isla markaana ay usii kordhiso cadaadiska dowlada  Abiy Axmed inay aqbasho dhexdhexaadinta caalamiga ah.

Gobolka Tigray waxaa ku sugan 96,000 oo qaxooti Eriteriya kasoo cararay, kuwaasoo saameyn uu ku yeeshay dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey oo ka walaacsan xaaladooda hadda.

Abiy wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii la soo dhaafay kadib markuu nabad dhex dhigay dalkiisa iyo Ereteriya oo 20 sano dagaal u dhaxeeyay, laakiin joogitaanka Ciidamada Ereteriya ee dhulka Itoobiya waxay walaac ku beeraysaa xulafada reer galbeedka.

Itoobiya waxay martigalisaa Midowga Afrika, hay'adaheeda amniga waxay lashaqeysaa xulafada reer galbeedka, waxayna Ciidamadeeda ka shaqeeyaan howlaha nabad ilaalinta ee Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Maadaama gobolka uu yahay mid isku xiran, waxuu dagaalka Tigray uu saameyn ku yeeshay amniga Soomaaliya kadib markii Ciidanka Itoobiya ay qowmiyado u kala qeybsameen, islamarkaana uu dagaal ku dhex maray maalmo kahor saldhigooda degaanka Halgan, ee gobolka Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.