Fahad-kii aamusnaa oo banaan la yimid eedeymo culus

Wuxuu bixiyay wareysi gaar ah, oo uga danleeyahay sida dad badan aaminsan yihiin inuu isaga bari-yeelo eedeymaha culus ee isaga loo jeediyay, una weeciyo dhanka isaga kasoo horjeeda.

Warar Keydmedia Online
Fahad-kii aamusnaa oo banaan la yimid eedeymo culus

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin-kii lagu yaqaaney aamusnaanta iyo is-qarinta ayaa banaanka yimid, isagoo lasoo shir-tagey wareysi maalmahan qabsadey hadal-heynta bulshada Soomaaliyeed, kaasoo uu bixiyay isagoo ku sugan dalka Turkiga.

Wareysiga uu bixiyay Fahad oo marba qeyb laga soo deynayo, ayaa wuxuu kusoo bandhigay dhacdooyin xasaasi ah oo dhacay intii uu ahaa agaasimaha NISA, kuwaasoo dilkii Ikraan uu ku jiro.

Wuxuu sheegay in Ikraan dilkeeda ay maleegeen Rooble, Mahad Salaad iyo Al-Cadaala, islamarkaana ay fulisay Kooxda Al-Shabaab oo ku dishay Gabadha degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe.

Ikraan waxaa lagu eedeeyay dilkeeda isaga, Yaasiin Fareey, Kulane Jiis, Wadna-qabad oo Gaariga Gurigeeda uga soo qaadey June 2021, iyadoo kadibna NISA shaacisay September sanadkii hore in Gabadha ay Al-Shabaab dishay.

Gabadha waxaa marka hore la geeyay xafiiska Raysal Wasaaraha,Waxay ahayd shaqo doon, kadib Mahad Salaad ayaa gaari kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam, kadibna meel Jilib u dhow ayaa lasii geeyay,halkaas ayaana lagu dilay, waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo Xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad. Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Raysul wasare Rooble wuu kawarqabay, aakhiro iyo aduun isagaa la waydiin doonaa," ayuu yiri Fahad.

Ma uusan soo bandhigin wax cadeymo ah oo ku xoojinayo eedeymaha culus ee uu jeediyay, laakiin wuuxu xusay inay tani tahay 10% xogta uu hayo, oo inta kale uu bixin doono marka loo baahdo.

Fahad Yaasiin wuxuu iska fogeeyay inay Ikraan isaga lasoo shaqeysay intii uu madaxda ka ahaa NISA. Ikraan waxay ku maqan tahay NISA dhexdeeda, oo la rumeysan yahay in lagu dilay 2021.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa dilka Gabadha inuu ahaa in lagu magac-dilo isaga iyo NISA, sidoo kalena looga faa'ideysto xaaladii cakirnayd ee ka jirtay doorashadda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.