Fahad Yaasiin oo kulamo hoose la leh Madax sare kahor magacaabista RW

Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha ama maalmaha soo aadan ku dhawaaqo Ra'iisul Wasaaraha cusub, ee bedelo doono Xasan Cali Khayre oo 25-kii July 2020 xilka laga qaadey kadib Mooshin Villa Soomaaliya maleegtay oo lagu meel-mariyay cod boobsiis ah.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo kulamo hoose la leh Madax sare kahor magacaabista RW

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin, Taliyaha NISA uu kulamo kawado Muqdisho xili ay soo dhawdahay magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub, oo la hadal-hayo inuu noqon doono shaqsi siyaasadda ku cusub.

Fahad ayaa la kulmay si qarsoodi ah Mas'uuliyiinta Madasha Xisbiyada Qaran, oo ay ugu horeeyaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, kadib markii ay soo dhaweeyay heshiiskii doorashadda lagu gaarey Shirkii Dhuusamareeb, oo aan ka qeybgalin Puntland iyo Jubaland.

Taliyaha NISA waa ninka ay mindida daabka u haya talada dalka, oo go'aannada u meeriya Farmaajo, waxaana uu galaan-gal ku leeyahay magacaabis kasta oo dowladda sameyso, isagoo hadda raadinaya Ra'iisul Wasaare ololaha doorashadda Madaxweynaha maamula.

Mudadii 30-ka maalmood ee dastuuruka uu dhigayo in Madaxweynaha Ra'iisul Wasaare ku magacaabo waxaa ka hartay 4 maalin, iyadoo aan wali Villa Soomaaliya ku dhawaaqin qofka bedelayo Xasan Cali Khayre, oo 25-kii July xilka laga qaadey.

Kama marna dowladda Qatar go'aanka Farmaajo, waxaana uga mas'uul ah oo dalka u fadhiya Fahad Yaasiin, oo lagu eedeeyay inuu rabo Soomaaliya in lagu xukumo fekerka xag-jirnimada, maadaama uu horey uga tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga ee la riday 2007.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.