Fahad Yaasiin oo loo hanjabey

Beledweyne waxaa yaalla Kursiga uu raba Fahad Yaasiin inuu ku fariisto, kaasoo mudo sanado badan ku fadhiyay Faarax C/qaadir.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo loo hanjabey

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah Hooyadda dhashay Ikraan Tahliil Faarax, oo lagu dhex-dilay NISA, oo u shaqeynaysay 4 sano ayaa Maanta markale hadashay.

Shir Jaraa'id oo Muqdisho qabatay ayay ku sheegtay in Fahad Yaasiin, oo ah tuhmanaha ugu weyn dilka Ikraan aan tagi karin Beledweyne, oo ka raadsan rabo dhawaan kursi Xildhibaan.

Waxay ugu baaqdey Beelaha iyada iyo Gabadheeda kasoo jeedaan, oo ah Xawaadle oo iyada ka dhalatay iyo Gaaljecel oo Ikraan dhaleen inay uga aargidaan Fahad dilka Gabadheeda yar.

Qaali Guhaad ayaa cadaalad u waysay Gabadheeda oo si arxan-darro loogu dilay Muqdisho, iyadoo la tuhmayo Fahad Yaasiin iyo Kooxdiisa inay khaarijiyeen, maadaama xogo ka haysay.

Rooble oo u balan-qaadey Hooyo Qaali inuu u raadinayo Cadaaladda Gabadheeda, ayaa markii dambe iska dhaafay daba-rodka Kiiskan, markii looga adkaadey dagaalkii Farmaajo.

Kooxda dishay Ikraan Tahliil ayaa awood badan ku leh hay'adda NISA iyo xafiiska Farmaajo, taasoo keentay in la waayo hay'ada ama mas'uul soo xira, islamarkaana horkeena cadaalada.

Ikraan waxay u qaabilsanayd NISA qeybta amniga Internet-ka, waxayna shaqada qabanaysay tan iyo 2017 oo ku biirtay hay'adda Sirdoonka, iyadoo markii la dilay Eng Yariisow aadey UK.

Sanadkii lasoo dhaafay billowgiisa ayay kusoo laabatay Muqdisho, kadib markii Fahad ay u yeerey, iyadoo ujeedka ahaa in markii soo laabato la dilo, si aan u bixin xogta ay ka haysay.

Waxa ugu weyn ee Ikraan loo dilay ayaa la rumeysan yahay inay yihiin xogta dhalinyaradii Eritrea loo qaadey, oo iyada diiwaankooda haysay, iyo dilkii duqii Muqdisho AUN Eng Yariisow.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.