Fahfaahin: Mas’uul sare oo ka badbaadey Qarax

Sida ay sheegeen Goobjoogiyaasha, qaraxa oo ahaa miino waxaa eegtay Kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen Mahad C/raxmaan [Shub].

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Mas’uul sare oo ka badbaadey Qarax

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex qof ayaa ku dhintay, tiro kale way ku dhaawacmeen Qarax Miino oo Saakay saacadu markay ahayd 7:46 A.M. waqtiga Soomaaliya ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa oo dhawaqiisa goobo fog oo Caasimadda katirsan laga maqlay, ayaa lala eegtay taliyaha Ciidamada Asluubta Jen Mahad C/raxmaan Aadan [Shub] xili uu marayey wadada C/qaasim, oo xiriirisa KM4 iyo Tarabuunka.

Qofka ku geeriyoodey Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa shacab goobta marayay, iyadoo dhaawacyada oo aan wali tiradooda la ogeyn loo qaadey Isbitaallada ku yaalla Muqdisho.

Lama oga khasaaraha Ciidamada galbineysa Taliyaha kasoo gaarey weerarka, oo ka dhacay wado ay ku yaallaan Jaamacado, Xaruumo Ganacsiga iyo Iskuullo badan, taasoo dhawaan la furay kadib markii Safaaradda Qatar ay kasoo guurtay.

Tan iyo markii dib loo furay wadada dhamaadkii 2020, waxaa ka dhacay dhowr qarax oo Miino, kuwaasoo la rumeysan yahay inay Al-Shabaab ku aastay, si ay ugu disho Madaxda DF iyo Saraakiisha Ciidamada.

Qaraxyada miino ayaa kusoo kordhayay Caasimadda dalka mudooyinkii dambe, iyadoo Habeen kahor ay ahayd markii Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali lagu beegsadey wadada 21-ka October. [Halkan ka akhri Warka]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.