Fahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Gaadiidka Kolonyada AMISOM ayaa kasoo baxaysay Villa Baydhaba xiliga qaraxa, waxayna kusii jeeda dhanka Isgoyska Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax weyn oo Ismiidaamin ah, ayaa Galabta abaare 4pm ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjooge ayaa u sheegay Keydmedia in qaraxa ka dhashay Gaari NOAH ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa, waxaana lala eegtay Kolonyo AMISOM oo kusii jeeday Isgoyska Banaadir.

Qiiq iyo uuro cad ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana la maqlay rasaas badan oo rideen Ciidanka ku sugan Villa Baydhoba, halkaasoo Gaadiidka AMISOM kasoo baxeen.

Inta illaa hadda la xaqiijiyay 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay qaraxa Ismiidaaminta ahaa, oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Banaadir, oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan.

Dhaawacyo badan ayaa jira, iyadoo khasaaraha uu ka badan karo labada qof. AMISOM kama aysan hadlin inta askari ee waxyeello kasoo gaartay. Booliska ayaa wada baaritaanno.

Waxa uu noqonayaa qaraxii labaad. Saakay barqadii, qarax miino oo ka dhacay Xaafadda Buula-Xuubey oo aan ka fogeyn meesha uu midka dambe ka dhacay, kasoo lala eegtay askar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.