Fahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa lala eegtay Koonyo gaadiidka AMISOM oo jidka C/qaasim marayay, waxaana la sheegay in mid kamid ah baabuurta gaashaaman uu ku burburey.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax saakay aroortii ka dhacay wadada C/qaasim, ee isku xirta Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka, ee Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaaladda, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan, oo dhaawacyo u badan, sida KON u sheegeen dadka goobjoog u ahaa qaraxa.

Qaraxa wuxuu ka dhashay sida wararka ku saabsn nooca qaraxa lala eegtay Kolonyada AMISOM oo xili walba jidka aad u isticmaash ma cadda.

Booliska Soomaaliya iyo Gaadiidka Gurmadka ayaa goobta ku sugan, iyagoo khasaaraha dadkii ku waxyeeloobey weerarka u qaadaya Isbitaaladda Caasimadda.

Waa qaraxii 2aad oo Todobaadkan ka dhacay Muqdisho, iyadoo bishan ku dhawaad 5 ay dhacday. Amniga magaaladda ayaa faraha ka baxay, oo DF doorasho ku mashquushay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.