Fahfaahin: Wasiir Qarax lagula eegtay Muqdisho

Lama oga in bartilmaameeka uu Wasiirka ahaa iyo inuu si kedis ah ula kulmay, balse dadka isaga ku dhaw oo Keydmedia Online la hadlay ayaa sheegay inuu bad-qabo, oo aan waxba soo gaarin.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Wasiir Qarax lagula eegtay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshadda, ee xukuumadda Ra'iisul Wasaare Rooble aya Caawa ka badbaadey isku-day dil kadib markii qarax lagu eegtay magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa sida dad goobjoogiyaal ah u sheegeen Keydmedia Online ka dhashay miino lagu aasay wadada mashquulka badan ee KM4, waxaana lala eegtay gaari uu saarnaa Wasiirka oo lagu magacaabo Duraan Faarax.

Qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska Wasiirka ayaa KON u sheegay in Duraan aysan waxba kasoo gaarin qaraxa, laakiin ay jiri karaan dhaawacyo iyo dhimasho askarta ilaallada u ah soo gaarey, iyadoo aan la ogeyn tirada.

Ma jirto cid sheegatay illaa hadda mas'uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay KM4, balse wuxuu imaanaya xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay wadada ay xirnayd, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay Kooxda Al-Shabaab gelisay miinooyin, islamarkaana la baarayay.

Amniga Caasimadda ayaan la isku halleyn karin wali, iyadoo doorashada ay soo dhawdahay, islamarkaana Al-Shabaab rabto inay carqaladeyso codbixinta meel kastoo ka dhacaysa dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.