Farmaajo oo halkii Gargaar laga sugayay Ciidan u diray Gedo

Dad badan ayaa la yaaban hab-dhaqanka Farmaajo ee aan dadka iyo dalka loo diir-naxeynin, danaha gaarka lagu meel-marinayo qoriga caaradiisa.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo halkii Gargaar laga sugayay Ciidan u diray Gedo

DOOLOW, Soomaaliya - Shalay oo Jimco ahayd waxaa diyaarado lagu geeyay degmada Doolow Ciidamo militeri, gaar ahaan GOR-GOR iyo Nabad Sugid isagu jira uu Farmaajo geeyay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidanka oo aad u hubeysan ayaa sababta loo geeyay lagu micneeyay inay tahay tallaabo uu Farmaajo ku doonayo inuu ku carqaladeeyo Shirka Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay ee la filayo inuu Muqdisho ka furmo 22-ka bishan.

Shacabka gobolka Gedo waxay sugayeen gargaar bini'aadnimo iyo gurmad uga yimaada dowladda Soomaaliya, kadib markii ay ku dhufatay abaar daran iyo biyo la'aan oo dad iyo xoolo u dhintay.

Ciidamo badan ayuu tan iyo sanadkii tagey Faramajo geeyay gobolka Gedo, isagoo ku qabsaday degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beled-Xaawo, oo horey Axmed Madoobe u maamuli jiray.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Farmaajo inuu joojiyo Ciidanka qaranka ee loo dhisay inuu cadowga gudaha iyo dibada la dagaalamo uu u adeegsanayo danaha gaarka, waxayna "wax aan la qabli karin" ku tilmaantay duulaanka Gedo.

Farmaajo ayaa noqday hogaamiye beeleed difaaca qabiilkiisa Mareexaan, isagoo doorashadda dalka u baabi'iyay 16 kursi oo yaalla Garbahaarey kuwaasoo khilaaf xooggan uu ka tagaan yahay cida maamulaysa isaga iyo Axmed Madoobe.

Dad badan oo siyaasadda gorfeeya ayaa sheegay in Farmaajo uusan doonaynin inuu xukunka wareejiyo ama doorasho qabto, wuxuuna ku tashanayaan Fahad Yaasiin oo Ciidamo badan u diyaariyay si uu ugu qabsado dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.