Farmaajo iyo Fahad oo maleegaya shirqoollo ka dhan ah Xasan Sheekh

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa mudooyinkii dambe isku aruursanayay, islamarkaana shirar ku yeelanayay dalka Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo iyo Fahad oo maleegaya shirqoollo ka dhan ah Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dalka Turkiga uu noqday fadhiga Farmaajo iyo Kooxdiisa, kasoo cararay Muqdisho, iyadoo xogo Keydmedia heshay sheegayaan inay wadaan qorshoolle ay u maleegayaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda uu hogaamiyo.

Waxay KON ogaatey in Fahad iyo Farmaajo dejiyeen qorsho cusub, oo lagu fashilinayo dowladda cusub, iyagoo adeegsanaya dhaqaale badan oo Qatar bixinayso, oo lagu fulinayo shirqoolka.

Farmaajo iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid, ayaa ku biiray dhawaan Fahad Yaasiin oo horey Turkiga ugu sugnaa, iyagoo dhinac walba hadda isaga yimid Kooxda Nabad iyo Nolol Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Kooxdan dhagartooda ayaa ku wajahan Villa Soomaaliya, waxaana jira shaqsiyaad RW Xamze aaminay, oo xilal u dhiibay, laakiin Fahad iyo Farmaajo daacad u ah, kuwaasoo ku jira hay'adaha amniga, gaar ahaan NISA iyo xafiisyada kale, oo kan Ra'iisul Wasaaraha kamid yahay.

Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa la aaminsan yahay inay galaangal ku leedahay wali siyaasadda dalka, maadaama shantii sano ee xukunka haysatay ay ku xididaysatay dhinac walba, inkastoo hadda Xasan Sheekh dabarjir ku hayo.

Fahad isagoo ciil-qaba ayuu Muqdisho kasoo cararay, waxaana uu saldhig ka dhigtay Turkiga, oo sirta-qaran maalin walba ku dusiyo, isagoo adeegsanaya Cayayaanka Baraha Bulshadda [CBB].

Fahad iyo Cabdi Saciid waxay dhawaan bixiyeen iyagoo jooga Turkiga labo wareysi oo xogo aan warbaahinta loogu tala-galin iyo dacaayaddo kusoo bandhigay, waxaana ka badan taasi sirta kale ee amniga la xiriirta ee baraha bulshadda lasoo dhigayo.

Xasan Sheekh ayaa dowladdiisa wajahaysa hadda culeys dhanka dagaalka Al-Shabaab, waxaana dhanka baraha bulshadda uga socda dagaal kale [Information war], kaasoo looga fadhiyo inuu wax ka qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.