Farmaajo oo aqbalay Wadahadal ku saabsan khilaafka doorashadda

Mursal, Qoor-Qoor iyo Deni ayaa dhedhexaadinaya dhinacyada, iyagoo ka shaqeynaya qabashadda kulan ka dhaca Muqdisho oo Saamileyda siyaasadda la isagu keenayo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo aqbalay Wadahadal ku saabsan khilaafka doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Farmaajo uu aqbalay inuu qabto kulan ballaaran oo looga hadlayo khilaafka doorashadda.

Kulamadii ka dhacay Garoowe, oo ay yeesheen Madaxda Galmudug, Puntlnad, Jubbaland, gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu go'aamiyay in Muqdisho lagu qabto shir ay dhamaan dhinacyada kawada qeybgali doonaan.

Sida Xogta ay tilmaamayso, Farmaajo ayaa ogolaadey la kulanka saamileyda siyaasadda ee diidan gudiyadda doorashooyinka, kuwaasoo wadada loo maray dhismahooda ay ahayd mid aan waafaqsanayn heshiiskii doorashadda September 17, 2020.

Lama oga inuu Farmaajo sameyn doono tanaasul ku aadan arrimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashadda, islamarkaana uu abaqli doono fulinta dalabka mucaaradka ee ah in lakala diro gudiyadda doorashooyinka.

Gudiyadda doorashooyinka ayaa mar hore la howlgeliyay, waxayna soo saareen labo jeer jadwallo lagu qabanyo doorashadda Aqalka Sare, oo DF qorsheynayso inay ka qabato Hirshabeelle, Galmudug iyo koonfur Galbeed.

Dooda taagan ayaa dib u dhigtay waqtigii la qaban lahaa doorashadda, oo lasoo dhaafay, iyadoo Baarlamaanka uu sameystay mudo kordhin hal sano, taasoo u dhabaha u xaareysa inuu Farmaajo isna sanad dheeraad ah sii joogo Villa Somalia.

KEDYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.