Farmaajo oo diidan in xal laga gaaro Colaadda Gedo

Midowga Musharxiinta waxay sheegeen in Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Madaxweyne Farmaajo ay qaadayaan mas'uuliyadda dhibaatadii ka dhalata dagaalka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo diidan in xal laga gaaro Colaadda Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda dib uga soo cusboonaatay Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, halkaasoo Ciidamo Soomaaliyeed ay ku dagaalamayaan.

Waxay sheegeen in eeda iyo mas'uuliyadda ay qaadayaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo Farmaajo, oo marwalba diida dedaal kasta in xal laga gaarayo dagaalka Jubbaland.

"Madaxweynaha waa inuu joojiyaa dagaal-gelinta Militeriga ee uu u adeegsanayo colaadaha sokeeye ee dalka ka socda. Waa inuu xalka ku raadiyaa waan-waan iyo dib u heshiisiin," ayaa lagu yiri qoraalka Musharixiinta.

Waxay ugu baaqeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe inay muujiyaan isxakameyn, si loo ilaaliyo nolosha dadka shacabka ah ee ku dhimanaya colaadda Gedo, islamarkaana ay wadahadal nabadeed ku dhameeyaan khilaafkooda.

Dhanka kale, Musharixiinta waxay tilmaameen inay ka xun yihiin sida Farmaajo uga caga-jiidayo in wadahadal lagu soo afjaro khilaafka arrimaha doorashooyinka, waxayna soo dhaweeyeen dedaallada saaxiibadda Soomaaliya ee Beesha Caalamka ee ku aadan xalinta is-mariwaagga taagan.

Is-qab-qabsiga u dhaxeeya Madaxda dalka waxay keentay in doorashadda ay dib uga dhacdo waqtigeeda, islamarkaana aan jirin illaa hadda jadwal rasmi ah oo lagu galayo doorasho, iyadoo mudo xileedka Farmaajo 13 maalmood kahartay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.