Farmaajo oo faragelin ku haya doorashadda Aqalka Sare

Xubnaha Aqalka Sare waxaa lagu soo xulataa qaab musuq-maasuq iyo nin jeclaysi uu ku jiro, waxaana saameyn ku leh Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo faragelin ku haya doorashadda Aqalka Sare

MUQDISHO, Soomaaliya - Si ka duwan 2016 ayaa loo soo xulayaa Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, waxaana durba soo baxay cabasho xoog leh oo siyaasiyiin badan ay muujinayaan.

Sida uu dhigayo habraaca doorashadda, Madaxda Maamullada ayaa awood u leh inay go'aan ka gaaraan cida u tarmaysa kuraasta, waxayna midan u fududeysa Villa Somalia inay saamen ku yeelato doorashadda.

Xog hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya Farmaajo uu galaangal xooggan ku leeyahay hanaanka soo xulista Musharixiinta, isagoo ka shaqeynaya sidii ay kusoo bixi lahaayeen Xildhibaanad uu codka ka rabo Oct 10.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Feb 8, ayaa xulufo la ah saddex Madaxweyne maamul Goboleed, kuwaasoo kala ah Lafta-Gareen, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor oo isaga uu dhisay, waxayna kala shaqeynayaan dib u doorashadiisa.

Musharx kasta oo aan xiriir kala dhaxeynin Madaxweyne Maamul goboleed way ku adkaatay inuu kusoo baxo liiska, waana arin muujinaysa musuq-maasuq xoog leh inuu ka jiro doorashadda Soomaaliya.

Xitaa Gudiyadda doorashooyinka waxay ku yimaadeen xubnaha soo xulis Villa Somalia dusha ka maamulaysay, oo lagu soo daray shaqsiyaad la yaqaano oo taageera Farmaajo.

Doorashadii Jubbaland 

Doorashadda waxay ka billaabatay Jubbaland Khamiistii, July 25, waxaana la filayaa in Koonfur Galbeed noqon doono maamulka 2aad maalmaha soo socda, iyadoo Baydhabo ay gaareen Musharixiinta iyo Gudiga doorashadda Heer Federaal.

Doorashadda dhacday Jubbaland waxay ahayd mid horey loo saadaaliyay natiijadeeda, maadaama ragga Musharixiinta uu Axmed Madoobe soo saaray waxay ahaayeen kuwa u badan Beesha Daarood, oo isaga kasoo jeedo.

Senator-kii ugu horeeyay Ilyaas Badal Gaboose waa DAAROOD, wuxuu ka yahay Ogaadeen, gaar ahaan jufadda Maxamed Subeyr.

Waxaa ku xigay C/llaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag], waa DAAROOD, wuxuu ka yahay Mareexaan, gaar ahaan lafta reer Diini.

Senator-ka 3aad ee la doortay, C/risaaq Maxamed Cismaan, waa Majeerteen, gaar ahaan Wabeneye.

Kaliya Iftiin Xasan Baasto ayaa ka yimid Beelaha kale ee dega Jubbaland, isagoo u dhashay Beesha Cawrmale.

Bishii Maarso 2021, Axmed Madoobe ayaa magacaabey Golle Wasiiro oo ka kooban 23 xubnood, kuwaasoo 17 kamid ah ay DAAROOD yihiin, wuxuu dhamaan beelaha kale ee dega Jubbaland u qoondeeyay 6 wasiir.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.