Farmaajo oo furay dagaal Cusub oo dhanka Doorashadda - Warbixin

Baal-marinta Aqalka Sare ayaa ah jebin dastuur, iyadoo lagu xad-gudbay qodobka 9-aad, oo dhigaya in xeer kasta uusan sharci noqonaynin, illaa labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo furay dagaal Cusub oo dhanka Doorashadda - Warbixin

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilli Mudo-xileedkiisa uga hartay 9 maalin, Madaxweyne Farmaajo ayaa furay dagaal cusub oo dhanka doorashadda, isagoo saxiixay Khamiistii qaraar dastuurka KMG aan waafaqsaneyn, oo sharci-darro ah.

Qaraarkan ayaa mudo 7 bilood ah yaallay Xafiiska Madaxweynaha, kadib markii 27-kii June 2020 ay Xildhibaanada Gollaha Shacabka soo meel-mariyeen, iyadoo aan la marsiinin Gollaha Aqalka Sare.

Baal-marinta Aqalka Sare ayaa ah jebin dastuur, iyadoo lagu xad-gudbay qodobka 9-aad, oo dhigaya in xeer kasta uusan sharci noqonaynin, illaa labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan.

Xeerkan ayaa lagu doonayaa in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanak 11-aad, laakiin waxaa horyaalla caqabado uusan ka gudbi Karin, oo ah in illaa laga dhameystiro Dastuurka KMG aan xubno cusub lagu kordhin harin hay’adda sharci-dejinta dalka.

Waxaa lagu kordhin karaa oo kaliya hal xubin, oo ah xubin sharafeed, oo u furan Farmaajo inuu ku fariisto, maadaama uu yahay Madaxweynaha xilka ugu sareeya soo qabtay, si lamid ah Xasan Sheekh.

Shaki kuma jiro in Banaadir oo ay ku nool yihiin ka ka badan 3 milyan oo qof, islamarkaana ah Caasimada dalka ay u baahan tahay matalaad baarlamaaneed, laakiin jidka loo maray ayaa ah mid sharci-darro ah.

Farmaajo wuxuu jebiyay qodobka 72-aad ee dastuurka, kadib markii uu saxiixay qaraar sharci darro ah oo lagu kordhinayo xubnaha Aqalka Sare, oo horey u ahaa 54 kursi, balse laga dhigayo 67.

Shirkii Madasha Hogaanka Qaranka 2016 ayaa lagu go’aamiyay dhismaha Aqalka Sare, iyadoo xubnihiisa loo qeybiyay 18-ka gobolka ee jiray dalka kahor 1991, waxaana min 11 kursi loo siiyay shanta Maamul.

In la bedello qaab-dhismeedka Baarlamaanka oo kuraastiisa la kordhiyo waxay u baahan tahay dib u habeyn lagu sameeyo Dastuurka, oo wali qabyoq-raal ah, islamarkaana dhameytirkiisa ku guul-dareystay Maamulka Farmaajo.

Ujeedka uu MD Farmaajo ka leeyahay matalaad-siinta gobolka Banaadir waxaa ugu wayn ololigiisa doorashadda iyo inuu helo codadka 13-ka kursi, maadaama uu yahay Musharax markale xilka raadinaya.

Duqa Muqdisho Cumar Filish, oo magacaabista Farmaajo xafiiska ku joogo ayaa lagu amray inuu abaabulo banaanbax ay ka qeyb-qaateen dadka Barakaciyaasha oo baabuur looga keenay degmooyinka gobolka, kuwaasoo lacago yar lagu siiyay inay dhigaan isku soo bax lagu taageero go’aanka Madaxweynaha, kaasoo shalay ka dhacay Xamar.

Farmaajo ayaa sameynaya qaladaad waaweyn oo lamid ah kuwii Trump, isagoo haddii uu kursiga ka dego uga tagaya Soomaaliya xaalad murugsan, oo ku adkaan doonto inuu xaliyo Madaxweynaha ka dambeeya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.