Farmaajo oo gacantiisa lagu arkay qorshaha baabi’inta Federaalka

Xili uu saarnaa diyaarad kusii jeeday Doha Maanta ayaa lagu sawiray warqad [Folder], ay ku qoran tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo gacantiisa lagu arkay qorshaha baabi’inta Federaalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo waxuu u duulay Maanta Qatar u tagayo qorsho isaga u gaar ah, maadaama siyaasadiisa uu ku maamulayay Soomaaliya ay tahay mid laga maamulo Doha.

Waxaa la sawiray isagaa dhex-fadhiya diyaarad gaar ah oo Qatar usoo dirtay, oo gacantiisa ku jiray galka warqado wax ka akhrinayay ugu daboolan, oo uu ku qoran Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ereyga 'Federaal' ma jirin qoraalka Galka Farmaajo dukumintiyadda ugu jireen, ee uu la aaday Qatar, waxaana arintan dhlisay falcelin badan, oo ku saabsan damaciisa inuu Federaalka burburiyo.

Cidna mugdi uguma jiro inuu yahay Federaal diid, isagoo ku muujiyay taasi dagaalkii uu la galay Maamulada Federaalka dalka, ee sida dhibka badan lagu dhisay intuu uu Madaxweynaha ahaa.

Qatar ayaa Farmaajo kursiga ku maamulaysay shantii sano ee uu Villa Somalia fadhiyay, waxaana hadda ay ka shaqeynaysaa Doha inay markii labaad soo celiyo ninkan dib u dhaca u keenay dalka.

Farmaajo ayaa berri la kulmaya Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, oo ku casuumey qasriga Amiir Diiwaan, ee Doha, waxaana loo badinayaa in arrimaha doorashadda kala hadlayo.

Maadaama dalka uu galay burbur, oo qabaa'ilka kala aamin baxay, waxay Soomaaliya qaadatey Nidamaka Federaalka, oo ah in dowlad-dhiska laga soo billaabo meel hoose, si meel dhexe la isagu yimaado, taasoo loo aray xalka kaliya ee dalka lagu gaarsiin karo dowladnimada.

Farmaajo ayaa burburinaya Nidaamkan oo ah mid la wadaago awooddda iyo mas’uuliyadda, oo ka dhaxaysa dowladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah, si dastuurka KMG waafaqsan. 

Dalka wuxuu ku burburay xukunka kali-talis ah, oo awoodda isku koobay, waana mid cashar laga bartay, oo shacabka aan doonaynin inay ku laabtaan. Laakiin, Farmaajo ayaa isku dayaya inuu noqdo kaligii-taliyaha 2aad ee Soomaaliya kadib Siyaad Barre, oo 21 sano talada xoog ku haystay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.