Farmaajo oo isku hubeynaya Beelaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Farmaajo ayaa ka billaabay deegaano kamida Galmudug isku hubeyn bulshada iyo qabaa'illada dhaxdooda ah.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo isku hubeynaya Beelaha Soomaaliyeed

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Magaalada Caasimadda u ah maamulka Galmudug waxaa ka billowday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan iyo hub uruursi xilli lagu wado in magaaladaasi ay ka dhacdo doorasho boob ah oo uu wado Farmaajo oo adeegsanaya Qoor-Qoor.

Afar sano ka hor Farmaajo wiilkii u qaabilsanaa abaabulka bannaan-baxyada iyo kicinta bulshada Cali Yare ayuu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir dhinaca Amniga iyo Siyaasadda, waxuuna hadda u wadaa inuu ka dhigo Xildhibaan Qaran.

Gawaarida dagaalka oo tiradooda lagu sheegay 3 Gaari ayuu Farmaajo ku taageeray wiilka yar ee halganka kasoo billaabay Bannaan-baxyada iyo kicinta, waxuuna u hanqal taagayaa inuu noqdo Xildhibaan 2021.

Dad badan ayaa aaminsan in doorashada Xildhibaanada ay ku socoto waddo boob ah, waxaana qof kasta isku dayayaa inuu helo hub uu kusoo muujiyo awooddiisa, waxaana taa ka dhalan karta in uu dalka ka dhaco dagaallo qabiil.

Madaxweyne Farmaajo uma muuqdo halista ka imaan karta isku hub uruursiga socda, sidoo kale ma oga mana qiimeyn karo saadaasha waxyaabaha laga dhaxli karo boob kursi iyo hub ku taageeridda xubnaha cusub ee u tartamaya kursiga Xildhibaannimo.

Cali Yare ayaa loo wadaa in loo dhaco kursiga mid kamida Xildhibaannada ugu miisaanka culus ee uu Farmaajo ka joogi waayay Afartii sano ee uu xilka hayay, kaasoo ah Xildhibaan Mahad Salaad.

Isaga qudhiisa ma mooga Mahad Salaad in dagaal lagu soo qaaday, waxuuna ogyahay in kursigiisa loo qorsheeyay Cali Yare oo hadda ku magacaaban Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.