Farmaajo oo ku dhawaaqey Mowqifkiisa Doorashadda

Farmaajo ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen, isagoo aan soo hadal-qaadin Rooble.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ku dhawaaqey Mowqifkiisa Doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa ka baxay aamusnaanta tan iyo isku-daygiisii afgembi ee 27-kii December, isagoo jeediyay Khudbad ay ka muuqatey is-dhiibid iyo rajo la'aan.

Khudbada oo 9 daqiiqo socotay ayaa ahayd mid horey loo duubey, oo aan Live ahayn, taasoo Farmaajo uu uga hadlay amniga, doorashadda, siyaasadda dibadda iyo Ciidamada qaranka.

Farmaajo ayaa bogaadiyay shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran iyo go'aanadii kasoo baxay, oo ka jawaabaya tabashooyinkii laga qabey hanaanka la boobey, ee doorashadda Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqey madaxda Maamulada in mudada lagu heshiiyay [40 maalin] lagu dhameeyo doorashadda dalka, taasoo ah jidka kaliya ee looga baaqsan karo caqabadaha.

Madaxweymaha mudo-xileedkiisu dhamaadey kuma uusan soo hadal-qaadin Khudbadiisa magaca Ra'iisul Wasaare Rooble oo dagaal kala dhaxeeya, isagoo xusay madaxa Maamulada.

Arinta amniga, wuxuu xusay in heer gabo-gabo ah marayo qorshihii ay Ciidanka qaranka ugala wareegi lahaayeen AMISOM amniga guud ee Dalka, maadaama ay baxaan 3 bilood kadib.

Dhanka siyaasadda dibadda, Farmaajo ayaa ku faaney in siyaasadda uu u dejiyay arrimahada dibadda horseedday in Soomaaliya si mug leh uga dhex muuqato fagaareyaasha Caalamka.

Khudbadda Farmaajo waxaa laga fahmay inay ahayd mid compaign doorasho ku sameynayay, maadaama dhamaan qodobada uu soo hormariyay ahaayeen kuwa waxqabad ka dhignayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.